Maxkamad laashay Rafcaan uu soo qortay Nin Somali-Maraykan ah.

Maxkamad Federl ayaa sheegtay inay dib-u-dhegeysan doonin  Rafcaan uu qaatay Maxamed Maxamuud, kaasi oo horey loogu xukumay 30-sanno, kadib, markii lagu helay inuu qarax ka geysan lahaa magaalladda Portland ee Gobalka Oregon bishii November ee sannadkii 2010-kii.

3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda 9-aad ee Maxkamadaha Rafcaanka Maraykanka waxay maalintii Khamiista ee la soo dhaafay laaleen Rafcaan uu soo gudbiyey Eedeysanahaasi.

Maxamed Maxamuud waxa uu yimid Maraykanka isagoo 3-sanno jir ah, wuxuuna helay Muwaadinimadda Maraykanka, waxaana lagu helay inuu Mobayl u adeegsan lahaa sidii uu ku qarxin lahaa Gaari, iyadoo qaraxaasi mid macmal ah oo ay ,  Saraakiil ka tirsan BFBI-da iska dhigeen inay ku taageerayaan Qaraxaasi.
Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump waxa uu dhawaan diiradda saaray Kiiska Eedeysanaha Maxamed Maxamuud, kadib, markii uu Madaxweynuhu dib-u-eegis ku sameeyey Xayiraadda Socdaalka ee la saaray dadka ka imaanaya Somalia iyo 5 dal oo Muslim ah.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media