Dowladda Sacuudiga waxay sii daayeen Markab Booyadle Shidaal oo ay Iiraan lahayd, kaasi oo ay cillad farsamo ku qabsatay meel ka baxsan Xeebaha Sacuudiga.
Markabkaasi oo lagu magacaabo Happiness 1- Fars waxa uu tan iyo bishii May ee la soo dhaafay uu ku sugnaa Dekedda magaalladda Jeddah ee Sacuudiga.
Dowladda Iiraan waxay ka mahad celisay Tallaabadda ay Sacuudiga ku soo daayeen Markankaasi, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iiraan, Cabaas Mosafi.
Wakaalladda Wararka Iiraan ee Fars News Agency waxay ka soo xigatay Afhayeenka inay Dowladda Sacuudiga uga mahad celinayaan dadaalka ay u gashay sidii uu Markabkaasi ugu soo labaan lahaa Iiraan.
Afhayeenka waxa kale oo uu u mahad celiyey dwoladaha Cummaan iyo Awitzerland oo iyagu gacan ka geystay sidii uu Markanka lagu magacaabo Happiness 1 oil tanker si nabad ah ugu soo labaan lahaa Iiraan.
Warbaahinta Iiraan waxay bilowgii bishan tebiyeen inay Dowladda Sacuudiga oo ay Iiraan xifaaltamaan aysan oggolayn inuu Markabkaasi ka soo shiraacdo Dekedda magaalladda Jeddah, muran la xiriira bixinta Kharajkii lagu dayactiray Markabkaasi.