Qoraal uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika ee xaruntoodu tahay magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in laba weerar oo cirka ah ay ku dileen 37 dagaallame oo ka tirsan Al Shabaab.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerar cirka ah oo ka dhacay meel la yiraahdo “Debatscile” lagu dilay shalay weerarka hore 27 dagaallame, kaasoo ahaa “ficil aan khaldamin oo ula kac ah”.
Weerarka labaad oo isna ahaa mid cirka ah ayey qoraalka ku sheegeen in lagu dilay 10 dagaallame oo ka tirsan Al Shabaab.
Arrintan ayaa timid ayadoo shalay weerarro cirka ah laga soo sheegay inay ka dheceen deegaanno hoos taga degmada Xaradheere.