Taliska Guud ee Milliteriga Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika ee AFRICOM, ayaa mar kale sheegtay inay shaacin doonaan tirade Dagaalamayaasha Alshabaab ee ay dilaan iyo warbixinadda khasaaraha ka dhasha Duqeymaha Diyaaradaha ay ka geystaan Somalia.
Hadalkan ayaa soo baxay maalin kadib, markii ay AFRICOMÂ Khamiistii la soo dhafaay sheegtay inaysan baahin doonin xxogta duqeymaha ay geystaan iyo tirada lagu dilo Weeraradaasi, balse, Afhayeenka AFRICOM ayaa ku waramaya inay sii wadi doonaan inay baahiyaan Natiijadda duqeymahaasi.
Afhayeenka oo lagu magacaabo John Manley oo la hadlay Idaacadda VOA-da waxa uu tilmaamay inay shaacin doonaan natiijadda duqeymahaasi, inkasto oay ka shaqeynayaan sidii ay u kala shaandheyn lahaayeen muhiimadda xogaha ku aadan natiijadda duqeymaha ka dhasha iyo sida ay duqeymahaasi u tagaeerayaan Ciiddanka DFS si loo dhamaystiro Istaraajiyadda Ammaankodoa.
Si kastaba ha ahaatee, Milliteriga Maraykanka waxay sheegaan in Duqeymaha ay fal-celin u yihiin marka ay Alshabaab weeraro ku qaadaan Ciiddanka DFS iyo Saaxiibadooda la hawl-gala.
Xigasho: VOA NEWS