C/raxmaan Cabdi Shakuur oo laga reebay Khudbadaha Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland

Wararka Idaacadda Dalsan Caawa ay ka heleyso Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Khudbadaha laga jeedin doono Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweyne Saciid deni laga reebay C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo kamid ah dadka lagu Casuumay Caleemo-Saarka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa la sheegay in laga Codsaday in wax Khudbad ah uusan ka jeedin Xaflada,isla markaana uu aqbalay.

Arrinta looga joojiyay in uu Khudbad jeediyo C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa waxaa la sheegay in ay timid kadib markii ay dalbatay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir uu ka codsaday  in uu wax Khudbnad ah uusan Jeedin Caawa uuna Ogolaaddo codsigaas.

Dhinaca kale warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Saciid Deni uu Codsi kale u diray Madaxda maamul Goboleedyada dalka,kaasi oo ku aadan in aan Xaflada Caleemo-saarka looga hadli arrimo ku aadan khilaafka u dhexeeya Maamul Goboleedyada iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media