Mareykanka oo ka hadlay dilka Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia

Dowladaha Maraykanka iyo Somalia waxay xaqiijiyeen in Ku-xigeenkaasi lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo bishan 14-di ika dhacday Tuulladda  Xiriiro ee duleedka Degmadda Qandala ee Gobalka Bari ee Puntland.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inay duqeyn ku dileen Sarkaal Sare oo ka tirsan Daacish-ta Somalia.

AFRICOM waxay sheegtay inay dileen C/xakiim Maxamed Ibraahim “C/xakiim Dhuqub” oo ahaa Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia, kaasi oo horey xilkaasi kala wareegay Ku-xigeenkii hore ee Daacish-ta Somalia, Mahad Macallim, kaasi oo sannadkii hore lagu dilay magaalladda Muqdisho.

AFRICOM waxay kaloo sheegtay in C/xakiim Dhuqub mas’uul ka ahaa Hawl-galladda Maalinlaha ee Daacish-ta Somalia, qorsheynta weeraradda iyo dhaqaale-ururinta.

Kooxda Daacish-ta Somalia oo uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin waxay Saldhigyo ay ka hawl-galaan ku  leeyihiin Puntland, waxayna mas’uul ka yihiin toogasho, qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka dhacay guud ahaan dalka Somalia tan iyo sannadkii 2016-kii.

Si kastaba ha ahaatee, duqeynta Diyaaradeed ee ay Maraykanka ku dileen C/xakiim Dhuqub ayaa ah kii ugu horreeyey ee ay Milliteriga Maraykanka ku beegsadeen Kooxda Daacish-ta Somalia tan iyo bishii November ee sannadkii 2017-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media