Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo Ruux shacab ah ku dilay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Isgoyska Sanka ee Magaalada Muqdisho waxaa uu ku dilay Nin la sheegay in uu ahaa shacab.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in dilkan uu yimid kadib markii ay wada murmeen Askariga iyo Ninkii shacabka ahaa ee la dilay.

Sidoo kale waxa la sheegay in Ninka la dilay markii uu Askariga uu ula soo baxay Toorey uu watay isagoona la damcay in uu ku dhifto,hayeeshee uu rasaas qeybaha sare ee Jirkiisa uga dhuftay,isla markaana goobta uu ku geeriyooday.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Ninkaas uu xanuunsanaa oo Maskax ahaan Bad qabin,isla markaana waxaa Meydkiisa goobta ka qaaday dad shacab ah oo halkaasi ka agdhawaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media