Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo balan qaad cusub loo sameeyay

Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka koofur afrika Jamaal Maxamed Barrow ayaa waxaa uu Magaalada Cape town kula Kulmay Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaaladaasi, kuwaasi oo goobahoodi ganacsi Bililiqo iyo Boob ay u geysteen dadka deegaanka ee Xaafadaha Nomzamo iyo Lwanda oo ku yaala Tuulada Strand oo ka mid ah Magaalada Cape town.

Safiirka ayaa waxaa uu Booqday goobihii Ganacsi ee Soomaalida Strand lagaga boobay, Halkaas oo uu warbixinno arinkaan la xariira uu kaga dhegeystay Soomaalida.

Ugu dambeyn safiirka ayaa ka ballan qaaday Ganacsatii uu La kulmay in uu dhibaatadooda u gudbin doono Dowladda Soomaaliya, si ay Dowladda Koofur Afrika ugala hadasho dhacdooyinkaasi soo noq-noqday ee jinsi naceybka ku salysan, inta badannna lagu barakiciyo dadka ajaanibta ahi, waxuuna Sidoo kale Safiirka ugu baaqay Soomaalida in ay ka Foojignaadaan xilliyada ganacsigooda boobka loo geysananyo fal dambiyeedyo laga yaabo in ay xaaladda uga sii daraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media