Mareykanka oo Ciidamo dheeraad ah u diraya Sacuudiga iyo sababta oo la shaaciyey

Pentagon ayaa shaaca ka qaadday kumannaan ciidamo dheeraad ah inuu u dirayo Sacuudi carabiya si ay boqortooyada Sacuudiga ay gacan uga siiyaan weerarrada uga yimaadda Iiraan.

Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper wuxuu sheegay inuu qalinka ku duugay amarka in ciidama dheeraad ah laga howl geliyo Sacuudi Carabiya ciidamadaasi oo ku hubeysnaan doono diyaaradaha dagaalka iyo habka difaaca.

Wuxuu intaa ku daray ciidamada ay Washington u direyso sacuudiga in jawaab looga bixinayo ‘khatarta gobolka soo food saartay’, isla-markaana boqortooyada Sacuudi Carabiya looga ilaaliyo ‘weerarrada gardarrada ay iiraan ku soo qaaddo’.

Tallaabadan Mareykanka uu Sacuudi Carabiya ciidamo dheeraad ah uga howl gelinaya ayaa imaneysa kaddib marki bishi hore ee September weerarro lagu qaaday goobo Sacuudiga ku yaalla oo saliidda ugu badan laga soo saaro.

“Ciidamada dheeraadka uu Mareykanka u dirayo gacan siinta boqortooyada Sacuudi Carabiya oo 3,000 ah oggolaashaha in ciidamadaasi la dirana la bixiyey bishi hore” ayuu yiri afhayeenka Pentagon Jonathan Hoffman.

Mareykanka ayaa tan iyo bishi May ee sanadkan kordhisay ciidamada ka joogo gobolka iyada gaarsiisay 14,000, sida uu sheegay telefishiinka CNN.

Dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxammed bin Salmaan ayaa naga dalbaday taageerada dheeriga ah ayuu yiri Mr Esper.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media