Wafdi ka socda Kenya oo Goordhow u soo duulay Magaalada Kismaayo

Waxaa Goordhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta International Airport ka soo duushay diyaarad sida Wafdi ka socda dowladda Kenya,kuwaasi oo kusii jeeda Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Jubbaland

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya hoggaaminaya Aqlabitada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale,waxaana ku wehlinaya Safarkiisa Kismaayo xubno kala duwan oo tirsan Kenya.

Aadan Barre Ducaale iyo wafdiga la socda ayaa Magalada Kismaayo uga qeyb galaya Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo saacadaha soo socda ka dhaceysa halkaas.

Arrintaan ayaa imaaneysaa xilli dowladda Kenya ay horey u aqoonsatay doorashadii lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Magaalada Kismaayo ayaa Maanta waxaa ka dhaceysa Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland,waxaaa haatan halkaas socota qabanqaabadii ugu dambeysay ee Xaflada Caleemo-saarka.

Dhinaca kale xalay dowlada Soomaaliya ayaa mamnuucday duulimaadyadii tooska ahaa ee ka yimaada Kenya kuna socda Magaalada Kismaayo,iyadoona amartay in diyaaradaha ka yimaada Kenya ee kusii jeeda Kismaayo inay soo maraan Magaalada Muqdisho,hayeeshee lama oga in amar kaas ay fulin doonto Kenya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media