Darawal loogu dilay Magaalaa Muqdisho muran ka dhashay Qaad

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa goordhaweyd gudaha degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay Dawaral Mooto Bajaajle ahaa, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askari hubeysan oo watay mooto nooca laba lugaaleyda ah uu rasaas dhowr ah ku dhuftay Darawalka Mooto Bajaaj, xili uu mararay agagaarka Dugsiga 21 October ee degmada Waaberi.

Dilkaas loo geystay Darawalka Mooto ayaa ka dambeeyay, kadib markii Askariga falka geystay uu isku dayay inuu si xoog leh Darawada kaga qaato qaad badan uu mootada ku watay, arrintaasina uu ka dhashay muran kooban, kadibna Askariga uu carooday, sidaasina uu rasaasta ugu furay Bajaajlihii, isagoona goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale Askariga ayaa intaas kadib qaatay qaadkii lagu waday Mootada oo la tilmaamay inay lahaayeen qaadkaas Haween oo doonayay inay ka Ganacsadaan, hayeeshee Darawalkii u waday la toogtay, Askarigana uu ku baxsaday Mooto uu watay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka dilal bareer ah shacabka ugu geysta, kadib murano kooban oo soo kala dhex-gala, waxaana Caasimadda horey uga dhacay dilal ay geysteen Ciidanka dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media