Mareykanka oo balan qaad Cusub u sameeyay Dowladda Somalia

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa maanta kulan toos ah oo qadka internet-ka la qaadatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, H.E. Donald Y. Yamamoto & madaxda Hay’adda Maraynkan u qaabilsan Dhanka Horumarka (USAID).

Wasiirka ayaa Dowladda Maraykan-ka uga mahadcelisay dalaadallada ay ka wadaan Soomaaliya ee ku aadan COVID-19, sidoo kalena kala hadashay sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen gurmadka wax looga qabanayo cudurka COVID-19.

Dowladda Mareykanka ayaa balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan xakamaynta iyo xal u helidda cudurka COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in Tirada dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee dalka ay gaartay 430 oo ruux, halka 23 qofna ay u geeriyoodeen Cudurkaas, waxaana dowladda ay wadaan dadaalo dhowr ah oo looga hortego Cudurka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media