Xaruntan Wasaaradda Waxbrashada Hidaha iyo tacliinta sare oo ku taala xaafada taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaaadir ayaa waxaa deganaan jiray masuuliyiinta ugu sareysa Wasaaradda Waxbarshada, waxaana ku dhawaad 30 sano degenaa dad shacab ah.
Maamulka degmada Hodan ayaa ku guuleystay in ka saaraan dadkii degeenaa halkaasi, iyadoo maanta uu Guddoomiye Maxamed Axmed Cantoobo uu ku wareejiyay Wasaaraadda Waxbarshada Dalka iyadoo uu goobta joogay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Daahir Cismaan.
Wasaaradda Waxbarashada Qaranka Soomaaliyeed ayaa dhawaanahaan waday qorshayaasha lagu tayaynayo Waxbarashada Dalka iyo dibu dhiska xarumihii ay laheyd Wasaaraddu si loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed.
Dowlaada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlan in ay dib usoo celiyaan xarumahii danta Guud kuwaas oo lagu qaban jiray adeegayada ay u baahan yihiin bulshada qeybaheeda kal duwan.
Hoos ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.