• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Maraykanka iyo Somalia: Black Hawk Down ilaa safarkii John Kerry

Dalsan Editor by Dalsan Editor
May 5, 2015
in Warar
Reading Time: 7 mins read
A A
11
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry ayaa booqasho aan la sii shaacinin maanta ku yimid magaalladda Muqdisho, waana Xoghayihii Arrimaha dibedda ee Maraykanka ee ugu horreeyey ee abid booqasho ku yimaada dalka Somalia.

Safarkiisa uu ku yimid Muqdisho, waxa John Kerry la kulmay Hoggaamiyayaal Soomaali ah oo uu ka mid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashadiisa ayaa ah dabayshii ugu dambeysay ee ugu dhibka badan Taariikhda Maraykanka ee ku xiriirsan Somalia.

Waxaa halkan ku xusaynaa dhacdooyinka weli ruxanka leh ee ka soo bilaabanayo Tobaneeyadii sanno ee colaadaha, afduubyadda iyo dadaalladda loogu jiro sidii looga gudbi lahaa.

 

Hawlgalkii Faragelinta Aadminimadda ee Somalia (December 1992)

 

Dhamaadka Xilligii Xafiiska uu fadhiyey Madaxweynihii Maraykanka, George H.W.Bush (Bushka Weyn) ayaa amray in Kumanaan Ciiddamo Maraykan ah loo diro dalka Somalia, kuwaasi oo horseeday dadaalkii QM ee lagu xaqiinayey in Kaalmooyinka cuntadda la gaarsiiyo dadkii ku macluulsanaa Somalia.

 

Xilligaas, Somalia waxaa ka jiray colaado beeleed markii la riday Hoggaamiyihii xoogga badnaa ee Jeneral Mohamed Siyaad Barre.

Hawlgalkii Maraykanka ayaa waxa laga weeciyey hadafkiisa ahaa Samafalka, waxayna madaxa la galeen dagaallo.

 

Dagaalkii Muqdisho (October 1993)

 

Markii jid-gal lagu dilay 24 Nabad-ilaaliyayaal u dhashay dalka Pakistan bishii June ee sanandkii 1993-kii, Ciiddamadda QM ee joogay gudaha Somalia waxay nacayb liddi ku ah kala kulmeen Hoggaamiye-kooxeedkii Mohamed Farah Aidid.

Dagaalkii Muqdisho ayaa lagu xusuustaa Hawlgalkii ay Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee US Army Rangers iyo Delta Forces ee ay ku qabsadeen qaar ka mid ah Taageerayaasha Jeneral Caydiid.

Labo Diyaaradaha Helikoptarada nooca Black Hawk ayaa lagu toogtay, laguna soo riday Muqdisho,

Waxaa dillaacay iska horimaadyo lagu dilay 18 Askar Maraykan iyo boqolaal Soomaali ah.

Markii uu dagaalkaasi waxaa laga sameeyey Filim loogu magac daray Black Hawk Dawn.

Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas, Bill Clinton ayaa ciiddanka Maraykanka ka soo saaray Somalia.

Dhacdooyinka dhiigga badan ku daatay ayaa keentay inaysan Dowladda Maraykanka ku degdegin faragelinta colaadaha dalalka shisheeye.

Waxaana Dhacdadaasi laga sameeyey Filim loogu magac daray Black Hawk Down.

Afduubkii Captain Phillips (April 8-12, 2009)

 

Burcad-baddeed Soomaali ah ayaa ka macaashay sharci la’aanta ka jirta dalkooda, waxayna qaadeen boqolaal jeer weerareen Maraakiibta isticmaala Badda Somalia.

Mid ka mid ah Maraakiibta ugu muhiimsan ee ay qafaasheen ayaa ahaa Markabka Xamuulka ee Maersk Alabama oo la qafaashay bishii April ee sannadkii 2008-dii.

Bishii April 8-dii, afar burcad-baddee  hubeysan ayaa ka qabsaday Markabkaasi meel ku-dhawaad 380 miles ka baxsan Xeebaha Somalia.

Markii ay ku guul-daraysteen inay la wareegaan maamulka Markabkaasi , waxay Burcaddii qabsadeen Kabtan Philips, oo ay muddo dhowr maalmood ku haysteen dooni yar.

Bishii April 12-dii, Ciiddamo Khaas oo Maraykan ah ayaa gudaha u soo galay doonida lagu haystay Captain Philips, waxay dileen saddex burcad-baddeed, waxay nolol ku qabteen hal burcad, waxayna so obadbaadiyeen Captain Philips.

Hawlgalkaasi waxaa markii dambe laga sameeyey Filimkii caan baxay ee Captain Phillips.

Diyaarad uu la socday Mudane ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo hoobiye lagu soo beegsaday (April 13, 2009)

Senotor Donald Payne oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka, lagana soo doorto Gobalka New Jersey ayaabishii April ee sannadkii 2009-kii booqasho ku yimid Somalia, isagoo iska dhega tiray Talo ay  Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka uga digtay inuusan booqanin Somalia.

Waxa uu la kulmay Madaxweynihii cusbaa ee xilligaas, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xilli ay Diyaaradda Mudanaha Maraykan ay diyaaradiisa ka hinqanaysay Garoonka Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhacay Hoobiye.

Si dirqi ah ayuu Senotor Donald Payne uga badbaaday duqeyntaas oo ay Alshabaab ka dambeeyeen.

Mar uu Telefishinka CNN-ka ka wareysteen Senotor Donald Payne  safarkaasi khatarta ahaa, waxa uu sheegay inuu aad u danaynayey inuu booqdo Somalia , isagoo muddo saddex sanno ah gacan ka geysanayey Dhismaha Dowladda Cusub ee Somalia ee xilligaasi.

Dilkii Hoggaamiyihii Alshabaab (September 2014)

 

Dowladda Maraykanka waxay muddo sannooyin ah la dagaalamayeen Dagaalyahannadda Alshabaab, o oay u adeegsadeen duqeyn hdinaca cirka iyo hawlgallo ay fuliyeen Ciiddanka Gaarka ee Maraykanka.

 

Bishii September ee sannadkii 2014-kii, Milliteriga Maraykanka waxay sheegeen inay hawlgal ka fuliyeen gudaha dalka Somalia, laguna dilay Hoggaamiyihii Alshabaab, Ahmed Godane oo ahaa mid ka mid ah ragga ay Maraykanka aad uga baadi-goobayeen gudaha Qaaradda Afrika.

Maraykanka waxay Ahmed Godane ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey falal lagu dilay Saraakiil Somali, Shaqaale Samafal iyo weerarkii sannadkii 2013-kii lagu qaaday Dhismaha Ganacsiga ee Westgate ee magaalladda Nairobi.

 

Laakiinse, dilkiisa ma xagal daacinin Hawlgalladda ay Alshabaab ka wadaan Mandiqadda.

Bishii April ee la soo dhaafay, Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab  waxay ku-dhawaad 150 qof oo u badan arday ku dileen Jamaacadda Garissa ee W/bari Kenya.

Danjirihii ugu horreeyey oo ay Maraykanka u soo magacaabeen Somalia in ka badan 20-sanno  (February 2015)

 

Dhowrkii sanno ee la soo dhaafay, Maamulka Madaxweyne Barack Obama waxay ku naaloonayeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Somalia.

Bishii January ee sannadkii 2013-kii, waxay Dowladda Maraykanka aqoonsatay Dowladda Federalka Somalia, waana Aqoonsigii ugu horreeyey in ka badan 20-sanno.

Bishii February ee sannadkan, Madaxweyne Obama waxa uu Katherine S. Dhanani u soo magacaabay Safiirkii ugu horreyey ee Maraykanka ee Somalia tann iyo bilowgii sannadihii 1990-aadkii.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay rajaynayso inuu dadaalkaasi muujinayo inuu soo hagaagayo ammaanka Somalia.

Kooxo ciiddan Maraykan oo tiro yar ayaa dhowrkii sanno ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka Somalia, kuwaasi oo AMISOM iyo ciiddanka Dowladda Federalka taageero ka siiya dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.

Warbixintan waxa aan ka soo xiganay Telefishinka CNN-ka,

 

JOHN KERRY2222cnn philps

Previous Post

FAALLO:- Maxay siyaasad ahaan nuxur leedahay booqashadda uu John Kerry ku yimid Bariga Afrika ?

Next Post

The U.S. and Somalia: From ‘Black Hawk Down’ to John Kerry’s visit

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Next Post

The U.S. and Somalia: From 'Black Hawk Down' to John Kerry's visit

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00