Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa ka hadlay dhibaatooyinkii ka dhashay cuduro farabadan oo ka jiray gudaha dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in dalkaan ay dhibaatooyin u geesteen cuduro kala duwan oo uu ka mid yahay Cuudrka dabeysa islamarkaana caruur aan qaan gaarin oo aad u yar yar ay u geeriyoodeen cudurkaas.
“2 Dhibcood oo afka caruurta laga siiyo ayaa dhibaato nagu ah,waxana ugu baaqayaa hooyooyinka soomaaliyeed in ay caruurtooda geeyan Goobaha talaalka si aysan u waxyeeleen cudurada ay Dabeyshu ka mid tahay ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo”.
Hadalkaan ayaa Madaxweynaha waxa uu ka sheegay Munaasabad loogu magac daray Maalinta dabargooynta Cudurka dabeysha,taas oo shalay lagu qabtay Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya