Amiirkii Kooxda Daacish-ta Yemen oo gacanta lagu dhigay

Ciiddanka Khaaska ee Sacuudiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Amiirkii Kooxda Daacish ugu qaabilsanaa dalka Yemen, Abu Osama Al-Mujahir.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Abu Osama Al-Mujahir iyo xubno kale oo ka tirsan Daacish gacanta lagu dhigay Hawlgal bishan June 3-dii ka dhacay gudaha dalka Yemen.

Afhayeenka Isbahaysiga Milliteri ee ay Sacuudiga iyo Imaaraadka hoggaamiyaan, Kolonel Turki Al-maliki ayaa sheegay inay ilaalo Sirdoon ku ogaadeen guriga uu ku jiray Amiirkii Daacish ee dalka Yemen, isla markaana ay Hawlgalkaas ku soo qabteen  Xubnaha ka tirsan Kooxda  Daacish  iyo 3 haween iyo 3 carruur oo kula sugnaa guriga la beegsaday.

Waxa kale oo uu sheegay inay Hawlgalkaasi oo qaatay 10-daqiiqo ku soo qabteen Hub, rasaas iyo qalabka Isgaaarsiinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media