Maamulka Puntland ayaa ka hadlay shaqaaqo ay ku wxyeeloobeen dad rayid ah oo ka dhacday deegaanka Xalin oo ka dhalatay Kaararka Codbixinta ee Doorashada Soomaliland iyo qaadashadooda,tas oo sababtay dhaawaca Saddex ruux.
Cabdulaahi Cali Xirsi Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Hormarinta reer miyiga Puntland ayaa sheegay maamulka Soomaaliland inay joojiyaan dhibaatooyinka ay u gaysanayaan Shacabka kunool deegaankaasi iyo deegaanada u dhow.
Sidoo kale waxa uu shegay in tani ay timid kadib markii deegaanada xudun iyo Xalin ee Gobolka Sool ay ka dhaceen banaabaxyo looga soo horjeeday Maamulka Soomaaliland.
Ugu dambeyn waxa uu uga digay in Soomaaliland ay sameyso waxyaabo sababi kara iskudhacyo dhexmara ciidamada Maamulada Soomaaliland iyo Puntland.
Qeybo k mid ah Gobolka Sool ayaa waxaa Soomaaliland ay geysay Sanaadiiqda Codbixinta,waxaana jira dhanka kale Puntland oo arintaas diidan,waxana laga cabsi qabaa in uu dagaal dhexmaro labada dhinac.