Cabdirashiid Janan oo ka hadlay sababaha keenay in uu la heshiiyo Dowladda Federaalka

Wasiirkii amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa ka hadlay heshiiska uu la gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sabahaha keenay in xiligaan uu wadahadal la furo Dowladda muddo xileedkeeda Dastuuriga ahi uu dhammaday.

Cabdirashiid Janan oo si weyn loogu soodhaweeyay Duleedka Beled-Xaawo ayaa sheegay in dhowr arrimood oo is biirsaday ay sababtay heshiiska uu la gaaray Dowladda Federaalka, abaaraha ku dhuftay Gobolka Gedo ayuu tilmaamay in ay qayb ka yihiin waxyaabaha sababay heshiiska isaga iyo Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku daray in wixii maanta ka dambeeya aysan dhicin doonin dagaaladii uu hormuudka u ahaa ee horay uga dhacay Gobolkaasi Gedo, isagoo tilmaamay in heshiiskaani uu yahay mid uu ugu dhimrinayo shacabka Gobolka iyo iyo Qaranimada Soomaaliya.

Soodhaweynta Cabdirashiid Janan ayaa waxaa ka qayb qaataay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay hogaaminayaan wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf Al-cadaala ayna wehliyaan saraakiil kale.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor