Dhageyso:-Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in ay dileen 8 ka tirsan Shabaab

Cabdullaahi Sheekh Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dgaal culus oo ciidamadooda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhex maray Gobolka Baay.

Waxa uu shegay in uu dagaalka sigaar ah uga dhacay deegaan lagu Magacaabo Mad-Sheekh oo 23 km u jirta degmada Bardale kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Glbeed oo Wadada marayay Jidka loogalay taas oo ekentay in dagaal culus uu Goobta ka dhaco.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dagaalkas ay khasaaro farabadan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab isla markana ay ka dileen ilaa 8  dagaalame 15 kalena ay ka dhaawaceen dhankoodana ay ka geeriyoodeen 3 Askari afar kalena ay ka dhaawacmeen.

Isaga oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in ka hor dagaalka ay Al-Shabaab ku qarxiyeen Ciidanka Koonfur Galbeed balse an ka soo agarin wax khasaaro ah.

Sikastaba marka laga soo tago hadalka Sarkaankaan weli Al-Shabaab dhankooda kam hadlin dagaalkaas.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Sarkaalka