Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen hirgelinta Deegaano cusub ee Maamulkaas,kadib markii ay sheegeen in taasi ay u baahan tahay in loo helo shuruuc rasmi ah oo ay tuulooyin iyo deegaano ku noqon karaan.
Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in horay arrintaasi ay Go’aano uga soo saareen,isla markaana Bulshada laga doonayo in ay u hoggaan samaan ammarada ka soo baxay maamulka.
Waxa uu sheegay in tuulo iyo Magaalo in la’aaso aaso ay leeyihiin shuruuucyo taasina laga doonayo in ay soo diyaariso Wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland.
Hadalka Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku soo aadaya xilli deegaano ka mid ah gobolada Jubbooyinka a dhowr mar ka dhaceyn dagaalo u dhaxeeyey maleeshiyaad dhul isku-heystay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland.