Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay inay Boliska Talyaaniga ku tacadiyaan Qaxootiga isku daya inay ka dhuuntaan Faraha laga qaado Qaxootiga soo galayo dalkaasi.
Warbixin ay maanta soo saartay Hay’adda Amnesty International ayaa lagu soo bandhigay Caddaymo muujinayo tiro Qaxooti Afrikaan ah oo ay Boliska Talyaaniga kula kaceen Jir-dil baahsan.
Hay’adda ayaa sheegtay inay wareysatay 170 Qaxooti tan iyo sannadkii hore, iyadoo 24 sheegeen inay Boliska Talyaaniga kula kaceen Jir-dil iyo Kufsi, kadib, markii ay diideen in laga reebo Farsamadda Caddaynta Faraha.
Hay’addu waxay ugu baaqday Ururka Midowga Europe inay cadaadis ku saaraan Dowladda Talyaaniga sidii loo joojin lahaa dhibaataynta dadka Qaxootiga.
Nin Qaxooti u dhashay Sudan ayaa sheegay inay Boliska garaaceen, dharka ka wada bixiyeen, isla markaana ay Koronto kaga qabteen Caloosha, Laabta iyo Lugaha.
Dhinaca kale, Amnesty ayaa sheegtay in bishii August 24-dii in Diyaarad la saaray 40 Qaxooti u dhashay Sudan, kuwaasi oo si khasab ah dib loogu celiyey magaalladda Khartoym,
©Radio Dalsan