DFS oo Cadeeysay mowqifkeeda dacwada badda ee Maxkamadda ICJ

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda ee kala dhexeeysa Kenya oo markii saddexaad Codsatay in dib loo dhigo, iyadoo ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, oo BBC-da weydiisay in dib loo dhigo dhageysiga dacwada badda ee kala dhexeeysa Kenya, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee Coronavirus oo aduunyada saameeyn ku yeeshay.

Waxaa uu sheegay Mahdi Guuleed in Maxkamadda ICJ ay soo saartay qoraal ay ku sheegtay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto.

“Bisha Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hada hal kiis ayay ku dhegaysatay, markhaatiyo way ku dhegaysatay maxkamadu maqal iyo muuqaal, markaa anaga waan ka hor imaanay, waana diidnay Mowqifka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin, go’aankaas ayaanan u qornay Maxkamada caalamiga ah ee aduunka laguna dhegaysto dacwada habka maqalka iyo muuqaalka ah” ayuu yiri RW ku-xigeenka dalka  Mahdi guuleed.

Dhanka Kenya ilaa haatan wax war ah oo rasmi ah kama soo bixin oo ku saabsan waraaqahan ay ku kala aragtida duwan yihiin Soomaaliya ay u direen labada dalba Maxkamadda Cadaaladda Aduunka, hase yeeshee waxa la filayaa in ay maxkamaddu go’aanka ay ka gaarto codsigaa Kenya shaacin doono todobaadka dambe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media