Rag hubeysan oo Dil ka geystay Magalada Muqdisho

Rag bustoolado ku hubysnaa ayaa waxa ay laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda soomaaliya ay ku dileyn qeybo ka mid ah Magalada Muqdisho.

Labada Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee Canshuurta qaada ayaa waxaa lagu dilay Isgoyska Afarta-Darjiino,waxana la sheegay in raggii dilakaasi ka dambeeyey in ay baxsadeen.

Qof ka mid ahaa dadka ku sugan Isgoyska Afarta-Darjiino xilligii uu dilka dhacayay ayaa sheegay in labada askari ay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka,halkaasna ay ku geeriyoodeen,labadii askari.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta gaaray sida caadada aheyd,waxana mudo hakad galay isku-socodka dadka iyo gaadiidka ee Wadada isku-xirta Afarta Darjiino iyo Isgoyska Sanca,walow markii dambe dib loo furay.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmaahan ku soo batay Magalada Muqdisho,waxana shalay Nin la sheegay in uu ahaa Harqaanle lagu dilay Suuqa siinaay ee degmada Warta-nabada ee Gobolkan Banaadir.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor