Dhageyso:-Dowladda Somalia oo sheegtay in howlgal qorsheysan ku dileyn 30 ka tirsanaa Al-Shabaab Gaadiidna ku qabsadeen

Kadib dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose kaas oo u dhaxeeyey Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Jubbaland iyo Al-Shabaab ayaa waxaa dagaalkaas guulo ka sheegay dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen Saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Sanguuni ee G/Jubbada Hoose iyo deegaan o dhow Magalada Dhoobleey,isla markana ay ka dileyn 30 ka tirsanaa Al-Shabaab 3 Gaarina ay kala wareegeen sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Saldhigga la weeraray ay Al-Shabaab ka soo abaabuli jireymn weerarada qorsheysan oo ay ka fuliyaan gobolka Jubbada Hoose,isla markana sidoo kale ay aheyd goob ay marwalba ku dhuumaaleysan jireyn.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa iyana dhankooda waxa ay shegeen in Gobolka Jubbada Hoose ay ku weerareen kolonyo ay wateen ciidamada Kenya iyo Jubbaland oo ay la socdeen kuwo Maraykan ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya.