C/raxmaan Xasan C/ladiif ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Marsa ee Jesiiradda Malta, kaasi oo lagu soo oogay inuu bishan 11-dii uu maqas ku dooxay Dhibane Somali ah, kaasi oo uu soo gaaray dhaawac fudud.
Dacwad-ooge ka tirsan Baarayaasha Boliska Malta oo lagu magacaabo Elliott Magro ayaa ka hor sheegay Maxkamadda inuu Eedeysanaha u hoggaansami waayey Amar uu bixiyey Sarkaal ka tirsan Boliska iyo inuu dagaal ka muujiyey markii la soo xirayey.
Garsooraha Maxkamadda, Monica Vella waxay ku xukuntay Eedeysanaha xabsi hal sanno ah.
Maxkamaddu waxay kaloo soo saartay amar lagu ilaalinayo Ammaanka Dhibanaha iyo Qoyskiisa, sida ay baahiyeen Warbaahinta Malta.
©Radio Dalsan