Go’aankii shalay ka soo baxay guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Yariisow) ee ahaa in la baabi’iyey heshiisyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka iyo beeraha ku yaalla gobolka Banaadir ayaa waxa ay saameyn doontaa Mall-lal iyo Hoteelo Caan ah.
1:- Hotel Afrik oo ku yaala KM4 waa hotel Caan ah,waxaana sarkaal ka tirsan waaxda dhulka uu Dalsan u sheegay inuu ahaan jiray Jardiin lagu nasto hotelka,isla markaana uu ka mid ah yahay hotelada waaweyn ee Muqdisho laguna maalgaliyey lacag Malaayiin Dollar ah.
2:- Mall-ka Sanca waxaa ka dhisan Suuq Weyn oo ka kooban Guri 5 dabaq ah,maqaayado iyo parking waxaana sidoo kale isna lagu maalgaliyey malaayiin doolar Iyada oo si gaar ah ay uga faa”iidaystaan dad Ganacsata ah.
3:- Afarta Darjiino oo ka mid ah isgoysyada ugu Waaweyn ee uga Caansan Muqdisho,ayaa waxa uu ahaa Darjiino lagu nasto,waxana dadka ay ku sugi jireyn gaadiidka dadweynaha,balse hadda waxaa ka dhisan Maqaayad Weyn Hotel iyo Xarun xawaaladeed,waxaana si guud la isku yiraahdaa Qaran.
4:-Xaafada Afasiyooni waxaa ku yaalla dhul Danguud oo ay ka mid yihiin Darjiino laga kireeyey Ganacsato,goobaha Ganacsi ee ku yaalla waxaa ka mid ah Kaalin Shidaal oo Weyn iyo Bakhaaro lagu xareeyo Qalabka dhismaha,kuwaas oo ku yaalla dhabarka dambe Suuqa Beerta ee degmada Waaberi.
5:- Isgoyska Bakaaraha waxaa ku yaalla Jardiin lagu nasan jiray hadana waxaa loo bedelay Kaalin shidaal iyo Maqaaxi Cofee laga cabo
HADABA SIDEE LOO SIIYEY LOOGANA IIBIYEY?
Dhammaan Goobaha Ganacsi ee aan kasoo hadalnay waxaa bixiyey Maamuladii ugu dambeeyey ee dalka soo maray,waxana Ganacsatada kireysatay loola macaamilay siyaabo kala duwan,iyada oo Ganacsatada qaarkood laga qaaday lacag dhan lacag Boqolaal Kun oo Dollar ah iyo in laga ceshan karo dhulka hadii ay u baahato dowladdu.
Ka sokow amarka ka soo baxay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hadana illo muhiim ah waxa ay Radio Dalsan u sheegeen in ay jiraan wadahadalo u socda Ganacsaatda iyo Maamulka gobolka Banaadir si go’aanka wax looga bedelo.
Gaba gabadii waxaa la wada sugayaa mudada 30-ka cisho ah ee ku eg amarka ka soo baxay Maamulka gobolka Banaadir.