Cabdi Kariin muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Madaxda Jabhada ONLF dhawaana laga soo daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya ayaa ku wajahan Magalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sawirro laga soo qaaday Cabdi Kariin Qalbi Dhagax isaga oo ku sugan qeybta VIP-da ee ay ku nastaan dadka madaxda ah ee garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Ababa Caasimadda dalka Itoobiya.
Xubno ka tirsan Eheladiisa iyo Saaxiibadiisa gaarka ah ayaa garoonka kasii sagootiyey,waxaan la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro Magalada Nairobi ee dalka Kenya.
Markii Xabsiga laga siidaayey Qalbi Dhagax ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayaa in uu magangalyo ka helay dowladda Kenya,waxaana haatan Magaalada Soomaalida ay ku badan tahay ee Islii ka socda diyaar garoowgii u dambeeyey ee soo dhaweyntiisa.