Maleeshiyo ka tirsan Qowmiyadda Oromada ee dalkaasi ayaa la sheegay inay saqdii dhexe ee xalay weerareen Degmo ku taalla Is-maamulka Soomaalida ee Ethiopia.
Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in 2 qof oo Soomaali ah lagu dilay Weerarka xalay lagu qaaday Tuulladda Sanda-caare ee dhowr Kiilomitir u jirta Degmadda Tuuli-guuleed oo ka tirsan Gobalka Faafan ee Dowlad-gobaleedka Soomaalida.
Dadka Deegaanka waxay sheegeen in ugu yaraan 2 qof oo Soomaali ah lagu dilay weerarkaasi bahalnimada ahaa, waxaana Labada Marxuum ee la dilay lagu kala magacaabi jirey Aadan Osman Baaruud iyo Xaawo Yuusuf.
Weerarka ay Maleeshiyada Qowmiyadda Oromada xalay ka geysteen Tuulladda hoos tagta Degmadda Tuuli-guuleed waxay timid hal maalin kadib, markii shil noocan oo ah ay Burcad Oromo ah ku dileen Nin dhallinyaro Soomaali ah meel ku dhow Degmadda Jinicasani oo 20 KM u jirta Xuduud-deegaameedka Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ku wada nool Ethiopia.