Maxkamadda Jubbaland oo saaka Dil toogasho ah ku fulisay Askar dilal geysatay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee  dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa manta oo sabti ah waxaa ay  xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ragga qisaasta lagu fuliyay ayaa kala ahaa Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u gaysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow iyo Yuusuf Xuseen Cabdi ayaa isna dilay Marxuum Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli Taariikhdu markay ahayd 17-Nov-2021.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Jubbaland ayaa xukunka dilka toogashada ah ku dhawaaqday 29-June-2022-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobtii qisaasta ay ka dhacday ayaa faahfaahiyay go’aamada kaso baxay maxkamadda.

Labo maalin kahor ayeey ahayd markii sidan oo kale xukun dil toogasho ah loogu fuliyay labo askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay gudaha magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna caasimadda ah KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor