Maleeshiyo Daacish oo weerari lahayd Milliteriga Maraykanka ku sugan Kuwayt iyo Filibiin oo la qabtay.

Wargeyska Al-ra’yi ee ka soo baxa dalka Kuweyt ayaa maanta qoray in ay Maleeshiyadda qorsheynayeen qaraxyo ay la beegsadaan  Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan gudaha Kuwayt.

Wargeyska oo soo xigtay ilo dhinaca Ammanka ayaa qoray inay Maleeshiyadaasi qorsheynayeen Weerar Is-qarxin ah oo ay ka geystan Deegaanka Xusayniyah ama Hool ay ku kulmaan dadka Shiicadda ee ku nool Kuweyt.

Wargeyska Al-ra’yi waxa kale oo uu qoray in la xiray Macallin u dhashay dalka Syria oo dhiga Maadada Kimistiriga, kaasi oo la tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa qorshaha Daacish.=

Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ee Filibiin waxay sheegeen inay bishii hore 25-kii gacanta ku dhigeen Labo nin oo u kala dhashay Kuwayt iyo Syria, kuwaasi oo muddo 3 bilood ka hor socdaal ku tagay caasimadda dalkaasi ee Maniila.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media