Ciiddanka Dowladda Syria oo taageero ka helayo Diyaaradaha Dagaalka ee Raashiya waxay waaberigii hore ee saakayto duullaan rogaal-celis ku qaadeen magaalladda Palaymyara, iyagoo ka saaray Maleeshiyadda Daacish oo saacado kooban ka hor qabsaday magaalladaasi.
Wasaaradda Difaaca Raashiya iyo Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee Syria ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi lagu dilay tiro badan oo ka tirsan Kooxda Daacish.
Diyaaradaha Dagaalka ee Raashiya ayaa la sheegay inay qaadeen 64 weerar, waxaana Hawlgalkaasi lagu dilay in ka badan 300 dagaalyahan.
Kooxda Daacish waxaa horey looga saaray magaalladaasi bishii Maarso ee sannadkan, iyadoo ay magaalladaasi ku yaallaan Dhismooyin Qaddiimi oo ay Hay’adda UNESCO u aqoonsan tahay magaallo Taariikhi ah.
©Radio Dalsan