Afhayeenka Xarakadda Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka REUTERS, wuxuuna xusay inuu hadafku ahaa Saraakiil Bolis oo loo tababaray inay sugaan Ammaanka waxa loogu yeero Doorashadda.
“Waxaan dilnay 30 Ciiddanka Ammaanka, waxaana dhaawacnay 50-kale, waan beegsanay iyaga, waayo waxaa loo tababaray inay sugaan Ammaanka waxa loogu yeeray Doorashadda” ayuu yiri Abu Muscab.
Alshabaab waxay sheegtay inay ka soo horjeedaan Doorashadda ka dhacayso Somalia, oo ay ku tilmaameen Doorasho ay Shisheeye wataan.
Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Boliska oo ay Wakaalladda REUTERS soo xxigatay ayaa sheegay in qarixii maanta lagu dilay ugu yaraan 29-qof, laguna dhaawacay 50-kale.
Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo G/sare C/qaadir Faarax ayaa u sheegay REUTERS inay rumeysan yihiin inuu qaraxu ahaa Is-qarxin loo adeegsaday gaari Xamuul.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir,. C/fataax Cumar Xalane ayaa isagana sheegay in gaari Bas nooca Hommey oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa loo adeegsaday qaraxaasi.
©Radio Dalsan