Wargeyska The telegraph business ee ka soo baxa dalka Britain ayaa qoray inay Sahmiyayaasha Shidaalka ee Somalia ku fashilmeen inay Heshiis Wada-shaqeyn iyo Saami-qeybsi la galaan Shirkadda Talyaaniga ee ENI ee ku caanka ah Baaritaanka iyo soo-saarka Shidaalka.
Heshiiskaasi ayaa noqon lahaa Wejiga Labaad dadaalka loogu jiro in la wadaago wax-soo-saarka khatarta leh ee Shidaalka looga sahminayo Biyaha Fog ee ka baxsan Xeebaha Somalia ee Geeska Afrika.
Sababaha Heshiiskaasi fashilmay, kadib, markii Shirkadda Soma Oil and Gas lagu helay inay ku lug leedahay Baaritaanka Xafiiska Dowladda Britain ugu qaabilsan La-dagaalanka Dembiyadda Khatarta leh (Serious Fraud Office (SFO).
Madaxda Fulinta ee Shirkadda ENI ayaa lagu khasbay in la tirtiro Qandaraaska macquulka ah, si waafaqsan Xeerarka ka mamnuucay Shirkadda si ay Ganacsi ula sameeyaan Shirkad weli ku hoos jirta Baaritaanka Dembiyadda, sida laga soo xigtay Ilo dhinaca Shirkadaha Shidaalka.
Waa dhabar-jab kale oo ku yimid Shirkadda Soma Oil oo aan haysanin Kharaj caddaan iyo inay horumar ka sameeyaan Baaritaanka.
Maalqabeenka Raashiyaanka ee Alexander Djaparidze ayaa ka mid ah kuwa taageera Shirkadda Soma Gas oo ay soo wajahday Eedeymo dhinaca Musuqa.
Baaritaanka oo ay markii ugu horreysay soo saareen Kooxda QM ugu qaabilsan Kormeerka cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ayaa sannadkii hore sheegtay inaan Soma Gas lagu hayn wax baaritaan oo dhinaca Musuqa ah.
Guddoomiyaha Shirkadda Soma Oil and Gas, Michael Howard ayaa tilmaamay in Xafiiska Britain ugu qaabilsan La-dagaalanka Dembiyadda Khatarta leh (Serious Fraud Office (SFO) sheegeen inaysan doonaynin inay doonaynin inay baaritaanka sii wadaan, kadib, markii Eedeyntii rasmiga ee laga sameeyey Soma Oil and Gas noqotay mid been looga sheegay Shirkadda.
Dhinaca kale, Wargeyska The telegraph business ayaa qoray inay Shirkadda Soma Gas and Oil haysatay dabayaaqadii bishii September ee la soo dhaafay kayd lacageed dhan 700,000 oo Dollar oo keliya.
Xigasho:- The telegraph business
©Radio Dalsan