Boliska Kenya ayaa la sheegay inay maalintii Labaad su’aalo weydiinayaan saddex qof oo shalay laga soo qabtay Dhismo ku yaalla Xaafadda Gigiri ee magaalladda Nairobi.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska Kenya ayaa lagu sheegay inay dadkaasi ku tuhunsan yihiin inay dad u qorayeen Xarakadda Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Saddexdaasi qof ayaa waxa magacyadooda lagu kala sheegay:
- Tom James oo 32 jir ah, una dhashay dalka Britain.
- Yasmiin Sheikh, oo ah Somali haysata Dhalashadda dalka Denmark (Danish).
- Zamzam Hussien, Somali-Kenyan.
Eedeysanayaasha waxay xalay ku hoyden Xabsiga Baarayaasha Boliska, iyadoo ay su’aalo weydiinayaan Saraakiil ka kala socotay Waaxda Dembi-baarista iyo Waaxda Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka Kooxaha ay Reer Galbeedka ugu yeeraan Argagixiso.
©Radio Dalsan