Ciiddanka Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee Goballadda Dhexe ayaa lagu soo waramay inay duhurnimadii maanta dagaal kula wareegeen Deegaanka Gudinlabe oo u dhexeysa magaallooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Ciiddamdda Ahlu-suna halkaasi qabsadeen, kadib, markii ay taageereen Ciiddan ka gadooday Maamulka Galmudug oo ku sugnaa Deegaankasi oola dagaalamay Ciiddan kale oo ka tirsan Maamulkaasi.
Iska horimaad xooggan ayaana ka dhacay Gudinlabe, waxayna labada dhinac isku adeegsadeen noocyadda Hubka Fudud iyo Gaadiidka Dagaalka.
Xaalladda ayaa kacsan, waxayna dadku bilaabeen inay ka barakacaan Deeganka Godinlabe oo laga cabsi qabo inuu mar kale ka qarxo dagaal.
Dhinaca kale, Ciiddamo iyo Tekniko badan oo ka soo kala ambabaxday Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa ku soo wajahan Deegaanka Gudinlabe, si ay u xoojiyaan Ciiddanka labada dhinac ee ay dirirtu dhex martay.
Labada Maamul ee Galmudug iyo Ahlu-sunnadda Goballadda Dhexe ayaa waxa horey uga dhexeyeey Dagaal Siyaasadeed, waxaana horey loogu fashilmay isku-dayo lagu doonayey in Siyaasiyiinta Maamulaadaasi lagu dhexdhexaadiyo.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalkaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo Maamulka Galmudug dagaal kale kaga faruuran yihiin Puntland oo ay isku hayaan Gaalkacyo.
©Radio Dalsan