Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa ay Caawa la ciir ciireysaa dad isugu jira Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo sidoo kale Siyaasiyiin.
Masuuliyiinta iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa maalinta Berito ah Goobjoog ka noqon doona Munaasabada doorashada Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle oo ay u sharaxan yihiin ilaa 8 Musharax.
Xubno ka socda dowldda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow, Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa, iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caawa ku hoyanaya Jowhar.
Caawa ayaa waxaa Jowhar laga dareemayaa Masuuliyiinta tirada badan ee ku sugan,. Waxana qaali noqday hoteelada tirada yare e ku yaalla Jowhar.
Sidoo kale waxaa socda kulamo gooni Gooni ah oo ay Musharixiinta la leeyihiin xildhibaanada hir-Shabeelle si uu midkasta uga dhaadhiciyo in isaga la doorto