Allaha u Naxariistee waxaa Maanta oo jimce Ah Aas Qaran loogu sameeyey Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Ehiopia Dadkii Soomaalida ahaa ee ay Qoomiyada Oromadu laba Maalmood ka hor ku Xasuuqeen Deegaanka Haawaday ee Dalka Itoobiya.
Dadka Maanta la Aasay yaa la sheegay in ay gaarayeen ilaa 28 ruux sida ay sheegeen dad ka qeyb galy Aaska.
Aas kan Qaran ayaa waxaa ka  qaybgaley Masuuliyiinta Ugu Sareysa Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan.
28 qof ee Maanta lagu Aasay Magaalada Jigjiga ayaa ka mid ahaa dadkii lagu laayay deeganka Haawaday ee Briga Dalka Itoobiya waxayna ahaayeen dad Ganacsato ah oo badan kood ka yimid deegaanada Maamulka Soomaaliland.