Waxaa lagu wadaa manta oo khamiis ah in gurmad la gaarsiiyo deegaano ka tirsan gobolada dalka oo fatahaad uu ka sameeyay Webiga Shabeelle iyo Jubba isla markaana saameyn ku yeesha qoysas fara badan.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in xubnaha guddigu ay gurmad geynayaan manta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Gurmadkan qeybtiisa ugu weyn waxaa manta la gaarsiin doonaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo fataad uu sameeyay webigu sababtay in dadku ay ka barakacaan magaalada kadib markii ay guryahooda Biyo ugu soo galeen.
Dadkaan ayaa la daalaa dhacaya nolol xukumo iyada oo ay hayso hoy laโaan iyo cunno laโaan madaama guryihii iyo goobihii ganacsi ee ay lahaayeen ay biyo maasheeyeen.