Hillary Clinton oo ahayd Murashixii Xisbiga Dimuqraadiga ee laga guuleystay ayaa sheegtay inay iyada iyo Ninkeeda Bill Clinton oo Madaxweyne hore ahaa ka qeyb geli doonaan Munaasabadda uu Donald Trump bishan Janaayo 20-da xilka kala wareegayo Barack Obama.
Warkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii uu Madaxweynihii hore ee Maraykanka, George Walker Bush-ka yar xaqiijiyey inay isaga iyo xaaskiisa, Laura Bush ka qeyb geli doonaan Munaasbadda Donald Trump kula wareegayo Madaxtinimada dalkaasi.
Sidoo kale, George Bush-ka oo isagana mar Madaxweyne soo noqday ayaa ka cuddur-daartay Casuumaadda Donald Trump, sababo la xiriira caafimaadkiisa oo liita iyo isagoo 92-jir ah.
Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Jimmy Carter ayaa isagana sheegay inuu ka qeyb galayo Munaasabadda uu Donald Trump kula wareegayo Talada dalkaasi.
©Radio Dalsan