Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump oo mar kale guul-darro ku dhacday

Maxkamad racfaan oo ku taalla dalka Mareykanka, ayaa soo afjartay dib u eegis lagu sameeyay dukumeentiyadii laga soo qaaday dhismaha Mar-a-Lago ee Donald Trump.

Go’aankan ayaa guul u ah waaxda cadaaladda ee Mareykanka, taasoo baaritaan ku sameyneysa haddii Trump uu qaatay dukumiintiyo sir ah, markii uu ka guurayay Aqalka Cad.

Baarayaashu ayaa hadda waxay si buuxda u eegi karaan dukumeentiyada.

Xukunka ayaa waxaa sameeyay khamiistii guddi saddex garsoore ah oo fadhigeedu yahay magaalada Atlanta ee dalka Mareykanka, ka dib markii waaxda cadaaladda ay ka hortimid go’aan bishii Sebtembar, taasoo ogolaatay codsigii Trump ee dib u eegista gaarka ah.

Xukunkeeda, maxkamadda rafcaanku, ayaa waxay qortay inaysan jirin “liisan garsoor oo lagu fara gelinayo baaritaanka socda”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor