Madaxweynaha Uguanda, Yoweeri Museveni ayaa la filayaa inay berrito booqasho 2 maalmood uga bilbaanto magaalladda Mombasa ee dalka Kenya.
Warbaahinta Labada Waddan ayaa sheegay in Madaxweyne Museveni dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta wada-hadal kula yeelan doono Mombasa, isla markaana uu soo booqan doono Dekedda Mombasa.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuu Museni ku soo dhaweyn doono Garoonka Diyaaradaha ee Moi International Airport ee magaalladda Mombasa, ka hor intaysan u gudbin Aqalka Dowladda ee Mombasa.
Uhuru Kenyatta waxa uu horey Uganda u booqday labo isbuuc ka hor, isagoo Museveni kala soo xaajooday Ajendayaal Gudaha iyo kuwo Gobalka, gaar ahaan xal-u-helista muranka u dhexeeya Dowladaha Uganda iyo Ruwanda.
Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame waxa uu ku eedeeyey Dowladda Uganda inay xabsiga dhogaan dadka Rwandans-ka iyo inay carqalad ku hayaan Gnaacsiga Gobalka iyo inay Uganda taageero siiyaan Kooxo ay Dowladda Rwanda u aragto inay yihiin caddowgooda.
Balse, Madaxda Ugnada waxay beeniyeen Eedeymahaasi, iyadoo Dowladda Rwanda dhawaan xirtay xuduudka ay la wadaagaan Uganda , taasi oo horseeday inuu khasaaro ballaaran soo gaaro Ganacsigii u kala gudbi jirey labadooda dal.
Madaxweyne Paul Kagame waxa uu sheegay in sababo dhinaca Siyaasadda loo xiray xuduudka Uganda.