• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 24, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweyne Xasan “Suxufiyiinta Soomaaliyeed waa geesiyaal, waana inaan dadaal walba u galno sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiilayaasha dila suxuufiyiinta”

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 2, 2016
in Warar
Reading Time: 11 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa la kulmay bahda warbaahinta ka hor dabaaldega maalinta caalamka ee loo asteeyey in juhdi walba loo galo sidii dambiilayaasha dila suxufiyiinta loo horkeeni lahaa sharciga. Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey suxufiyiinta Soomaaliya in Dowladda Federaalka ay ka go’antahay in dambiilayaasha gacanta lagu soo dhigo oo la horkeeno sharciga. Madaxweynaha ayaa ammaanay dadaalka natiihurista ah ee suxufiyiinta oo ay bulshada Soomaaliyeed ku gaarsiinayaan wararka, iyo akhbaaraadka dunida.

Xalay ayuu Madaxweynahu casho sharaf suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu sameeyey xarunta Madaxtooyada kuna dhiiri geliyey inay dadaalkooda sii labo jibaaraan oo ay bulshada gaarsiiyaan horumarka iyo wadan jaceylka. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay madaxda suxufiyiinta Soomaaliyeed isla markaasna soo dhoweeyey talooyinka muhiimka ah oo ay u soo jeediyeen.

Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Qaraar tirsigiisu yahay A/RES/68/163 ay ka soo saareen kulankoodii 68aad ee 2013kii oo ay maanta oo kale 2da November u asteeyeen “Maalinta Caalamka ee lagu joojinayo in dambiilayaasha suxufiyiinta ay noqdaan kuwo aan cadaalad la horkeenin” “Maanta oo kale iyo kulankii suxufiyiinta waa calaamad xoogan oo muujineysa sida ay Dowladda Federaalka uga go’antahay muhiimada ololaha si dambiilayaasha suxuufiyiinta loo hor keeno cadaalada iyo sida ay Dowladdu uga go’antahay inay dhaqangeliso dhaqanka isla-xisaabtan la’aanta oo qof dil u geystay qof kale uusan baxsan oo cadaalada la horkeeno. Sidaas daraadeed, waxaan ka codsanayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso sida hay’adaha caalamka ee kaalmeeya warbaahinta Soomaaliya, Dowladda Federaalka Hay’adaheeda kala duwan iyo warbaahinta Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan sidii loo taageeri lahaa suxufiyiinta Soomaaliyeed si ay u noqdaan kuwo waajibaadkooda u guta si hufnaan leh, aqoon iyo waayo aragnimo ku dheehan tahay, dhexdhexaadna ah, isla markaasna ay si wadaninimo ah iyo waddan jeceyl ay waxii danaha Qaranka iyo amniga ah ee dalka u horumarin lahaayeen. “ Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

Mohamed Ibrahim Moalimuu, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Mahir Jama Aden, Guddoomiyaha NUSOJ iyo madaxda ururada warbaahinta ayaa Madaxweynaha la wadaagay horumarka, caqabadaha iyo tabashooyinka suxufiyiinta Soomaaliyeed iyagoona soo jeediyey talooyin muhiim ah sidii loo wada shaqeyn lahaa. Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey talooyinkaas isla markaasna Wasiirada Warfaafinta iyo Amniga oo kulanka joogey faray dhaqangelinta talooyinkaas iyo in hay’adaha Dowladda iyo Suxufiyiinta ay yeeshaan wadashaqeyn si suxufiyiinta ay howlahooda u gutaan.

Suxufiyiinta Soomaaliya ayaa ku shaqeeya daruufo adag oo ay yihiin naftood hurayaal ku soo shaqeeyey xilligii dagaalada sokeeye. “Haddii aysan jirin suxufiyiinta Soomaaliyeed, dalku ma gaareen horumarka ballaaran ee dhanka amniga, isla xisaabtanka, iyo horumarka guud.” Ayuu yiri Madaxweynahu “Suxufiyiinta Soomaaliyeed waa geesiyaal, waana inaan badbaadinaa isla markaasna aan dadaal walba u galno sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiilayaasha dila suxuufiyiinta.” Ayuu yiri Madaxweynahu

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan marnaba gorgortan ka galeynin in suxufi la dilo ka dibna shaqsigaas uu si xor ah dibeda u joogo isagoon cadaalada la marsiinin. Dowladdu waxey qaadatay tallaabooyin geesinimo leh si loo badbaadiyo suxufiyiinta isla markaasna dilayaasha loo horgeeyo cadaalada. Dowladdu waxey dil toogasho ah ku fulisay dambiilayaal ka badan 4 oo dil u geystay suxufiyiin. Hasan Hanafi Haji oo ahaa shaqsigii Al-Shabaab wakiilka uga ahaa dilalka suxufiyiinta ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii cadaalada la horgeeyey oo maxkamadu ay ku fulisay dil toogasho ah. Tani waa wax cad oo tusaya doorka Dowladda ay ku taageereyso suxufiyiinta oo qof walba oo danbi u geystana la horgeynayo cadaalada oo uusan jirin shaqsi ka sareeya cadaalada.

Hay’adaha amnigu waxey sameeyeen baaritaano ku aadan dhammaan falalka loo geysto suxufiyiinta, Booliska Soomaaliyeedna wuxuu wadayaa sidii baaritaanadaas loo sii joogteyn lahaa. Hase yeeshee dacwadahaas intooda badan ma gaaraan heer maxkmada loo gudbiyo sababo la xiriira markhaati la’aan iyo caddeymo la xiriira cida geysatay falalkaas oo goobta ka baxsata.

Kooxaha argagaxisada ahi waxey ku mashquulsan yihiin dilalka suxufiyiinta si ay u aamusiyaan. Hase yeeshee Dowladda Federaalka iyo hay’adahaheeda kala duwan waxey ku mashquulsanyihiin badbaadinta suxufiyiinta iyadoo ay jiraan caqabado fara badan oo heysta dowladda sida aqoonta danbi-baarista oo u baahan khibrado heer sare ah si loo soo saaro shaqsi danbi geysta oo baxsada, iyo in markhaatiyaasha aysan diyaar u aheyn inay warbixino siiyaan hay’adaha dowladda. Si kastaba, marwalba dowladu waxey mudnaan gaar ah siisaa amniga si suxufiyiinta ay u helaan fursad goob nabad ah oo ay ku gutaan waajibaadkooda muhiimka ah iyagoon wax cabsi ah ka qabin in argagaxisadu ay dhibaato u geysato.

Xaalada aan ku suganahay darteedna, waxaa dhacday falal ay hay’adaha amnigu ku xiraan suxufi iyagoo markaas eegaya amniga guud ee Qaranka. Hase yeeshee dhacdooyinkaas marka la baaro dhamaan suxufiyiintaas waa la sii daayey, iyadoo dowladu ay cashar ka baraneyso sidii aysan dhacdooyinkaas dib ugu soo laaban, iyadoo la xoojinayo xiriirka suxufiyiinta iyo hay’adaha amniga.

“Dowladda Federaalku waxey aad uga howlgashay sidii xiriir wadashaqeyn u dhex mari lahaa suxufiyiinta iyo hay’adaha dowliga ah oo Wasaarada Warfaafintu ay u xilsaarantahay. Waxaan sii xoojineynaa dadaaladas wadashaqeynta ah. Sidoo kale Wasaarada Warfaafintu waxey siisaa suxufiyiinta tababaro lagu kobcinayo xirfadooda shaqo iyo kuwo suxufiyiinta iyo hay’adaha amniga loo wada qabtay si kor loogu qaado wadashaqeynta.” Ayuu yiri Madaxweynahu

“Waxaa intaas sii dheer inaan xeer Madaxweyne ku soo saaray Xeerka Saxaafada si loo dhaqangeliyo iyadoo dhowaan la dhisayo Golaha Saxaafada Qaranka oo madax-bannaan si ay u xaliyaan cabashooyinka khaladaadka ay galaan suxufiyiinta. Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay noqon doonto wadamada caalamka ugu horreeya dhanka saxaafada oo weliba dastuurkeena qodobka 18aad uu qeexayo in shaqsi walba uu xaq u leeyahay inuu cabiro ra’yigiisa iyo fikirkiisa iyo inuu helo akhbaaraad iyo warar” ayuu Madaxweynahu ku soo gabogabeeyey

Dhammaad—

Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

s2
s3
s4
s10
s9
s5
S
s7
s8
Previous Post

Rag Somali oo ku nool Britain oo Xabsi ku muteystay gabdho yaryar oo ay ku xad-gudbeen.

Next Post

(WARBIXIN): Dowladda Imaaraadka oo ka soo horjeeda inay Siyaasiyiinta Ikhwaanul-muslimiinka xubno ka noqdaan Barlamaanka Somalia.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

May 22, 2025
Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Warar

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

May 22, 2025
Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
Warar

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

May 22, 2025
Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

May 21, 2025
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho
Warar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho

May 20, 2025
Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

May 20, 2025
Next Post

(WARBIXIN): Dowladda Imaaraadka oo ka soo horjeeda inay Siyaasiyiinta Ikhwaanul-muslimiinka xubno ka noqdaan Barlamaanka Somalia.

Somalia’s Finance Minister Visits New Embassy in Algeria Amid Strengthening Bilateral Ties

Somalia’s Finance Minister Visits New Embassy in Algeria Amid Strengthening Bilateral Ties

by Liban
May 24, 2025
0

Algiers – The Federal Government of Somalia’s Minister of Finance, Biixi Iimaan Cige, paid an official visit this morning to...

Knife Attack in Hamburg Injures 12, Suspect in Custody

Knife Attack in Hamburg Injures 12, Suspect in Custody

by Liban
May 24, 2025
0

Hamburg, Germany – A knife attack rocked one of Hamburg's busiest train stations on Friday after a woman, armed with...

Puntland: Over 23,000 Secondary Students Begin National Exams Amid Push for Education Reforms

Puntland: Over 23,000 Secondary Students Begin National Exams Amid Push for Education Reforms

by Liban
May 24, 2025
0

GAROWE, PUNTLAND – More than 23,700 secondary school students in Somalia’s semi-autonomous Puntland region are sitting for their final national...

Hiran Elders Reinforce Hirshabelle Forces with Vital Aid in Moqokori

Hiran Elders Reinforce Hirshabelle Forces with Vital Aid in Moqokori

by Liban
May 24, 2025
0

MOQOKORI, HIRAN REGION – In a powerful act of grassroots solidarity, traditional elders from Somalia’s Hiran region delivered a significant...

Somalia’s Finance Minister Visits New Embassy in Algeria Amid Strengthening Bilateral Ties
English News

Somalia’s Finance Minister Visits New Embassy in Algeria Amid Strengthening Bilateral Ties

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Knife Attack in Hamburg Injures 12, Suspect in Custody
English News

Knife Attack in Hamburg Injures 12, Suspect in Custody

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland: Over 23,000 Secondary Students Begin National Exams Amid Push for Education Reforms
English News

Puntland: Over 23,000 Secondary Students Begin National Exams Amid Push for Education Reforms

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hiran Elders Reinforce Hirshabelle Forces with Vital Aid in Moqokori
English News

Hiran Elders Reinforce Hirshabelle Forces with Vital Aid in Moqokori

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Deputy Speaker Leads Parliamentary Delegation to Tanzania for East African Summit
English News

Somalia’s Deputy Speaker Leads Parliamentary Delegation to Tanzania for East African Summit

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali Prime Ministers Kheyre and Omar Abdirashid Hold Political Talks in Mogadishu
English News

Former Somali Prime Ministers Kheyre and Omar Abdirashid Hold Political Talks in Mogadishu

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Finance Minister Visits New Embassy in Algeria Amid Strengthening Bilateral Ties
  • Knife Attack in Hamburg Injures 12, Suspect in Custody
  • Puntland: Over 23,000 Secondary Students Begin National Exams Amid Push for Education Reforms
  • Hiran Elders Reinforce Hirshabelle Forces with Vital Aid in Moqokori

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00