Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay waxaa uu muddo Sanad iyo Bil kadib uu gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Xaaf oo Safar dhanka dhulka ku gaaray Cadaado ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,Xubno kamid ah labada Golle ee Galmudug iyo Odayaasha dhaqanka Magaaladaas.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa Xarunta Madaxtooyada KMG ee Galmudug ee Cadaado waxaa uu kulan kula qaatay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo shalay gelinkii dambe halkaasi gaaray.
Kulankaas ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan,waxaana kamid ahaa Xaalada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug iyo arrimaha Doorashada maamulkaas oo dhawaan la filayo in la qabto.
Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday sidii loo xalin lahaa Khilaafka mudada dheer habeeyay arrimaha dowlad Goboleedka Galmudug,kaasi oo u dhexeeya Madaxda Sare ee maamulkaasi.
Madaxweyne Xaaf ayaa tan iyo markii uu heshiiska la saxiixday Ahlusunna Waljameeca ayaa waxaa xarun u aheyd Magaalada Dhuusamareeb,waxaana uu shaaciyay Madaxweyne Xaaf heshiiskii uu la galay Ahlusunna in uu gebi ahaanba Burburay.