Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Muqdisho la kulmay Guddiga farsamada ee loo xilsaaray ka soo talo bixinta hanaanka Doorashooyin ku qabsooma waqtigooda oo lagu Aas-aasay Magaalada Dhuusa Mareeb.
Kulanka oo ahaa is xog wareysi iyo in gudiga lagu dhiirigaliyo habsami usocodka howlaha culus ee horyaala waxaana la isla gartay.
1) Sidii ay u soo saari lahaayeen talooyin wax ku ool ah oo danta dadka iyo dalka ay ku jirto.
2) iyo in doorka ugu wayn ay ku leeyihiin qabsoomida shirka Dhusamareb 3 oo la filayo in uu qabsoomo 15 Bishan.
Madaxweyne Waare ayaa markale uga mahad celiyay gudigaan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay Umadda u hayaan.