Maxkamadda Ciidmada qalabka sida qaybta 27aad ee Magaalada baladweyne ayaa maanta u fariisatay dacwadda eedeysanayaal loo haysato in ay dil u gaysteen wiil dhallinyaro ah, kaasi oo ka mid ahaa dhalinta Moota-bajaajta ku shaqeysata.
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaaย Xuseen Axmed Maxamuud, Cabdi CASIIS Xuseen faarax iyo Liibaan Cali Aadan, waxaana lagu soo eedeeyay in ay dileen Cayduruus Calaawe Siciid.
Eedeysanayaasha ayaa lagu eedeyay in ay Marxuumka afduubteen xilli habeen 3-8-2020, waxaana la sheegay in dileen kadibna ay gubeen maydkii marxuumka.
Maxkamadda ayaa dhagaysatay qareenada difaacayay eedeysanayaasha, waxaana maxkamaddu ay goโaan saaty in fadhi kale la isugu soo laabto.