Dowladda dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay rajo wanaagsan ka qabto in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo, waxaana ay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ugu baaqday wada hadal iyo wada tashi mira dhal ah.
War kasoo baxay safaaradda maraykan ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo, aysana dhici doonin wax muddo kororsi ah.
Dhanka kale waxaa ay rajo wanagaasan ka muujiyeen shirka Dhuusamreeb ee loo ballansan yahay, dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah ayaa loogu baaqay in ay si wadajir ah u sameeyaan wadatashiyo.
“Majirto muddo kordhin, nooca doorashada (Soomaaliya), waxay u baahan tahay taageero DFS Dowlad-goboleedyada, Baarlamaanka iyo daneeyaasha kale, iyo in ay ku dhacdo waqtigeeda, waxaa furo u ah wadatashi ballaadhan iyo isu-tanaasul waxaan sugaynaa shirka Dhuusamarreeb3″. Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.
Waxaa jira walaac laga qabo in doorashada loo ballansan yahay in ay Soomaaliya ka dhacdo 2020/2021 ay dib u dhacdo, sidoo kale wajiga 3aad ee shirkii Dhuusamareeb ayaa cabsi laga qabaa in uu dib u dhaco.