Madaxweyne Waare oo ka hadlay dil loo geystay Odey 92-sano jir ahaa

Madaxweynaha dowlad Gobolededka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedyada ka dhaca deegaanada hoostega Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa uu sheegay in nasiib darro weyn ay tahay in dad walaalo ah ay ku dul dagaalamaan Warsheekh oo uu ku tilmaamay inay tahay magaalo Culimo iyo mid diimeed intaba.

Waxaa uu ku baaqay Madaxweynaha Hirshabeelle in la joojiyo dagaal beeleedyada ka dhaca Warsheekh iyo deegaanada hoostega, isagoo xusay in wax laga xumaado ay tahay in dad Mas’uuliyiin ay fiirsanayaan dagaalada oo aysan dooneyn in wax ka qabtaan.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dil maalin loo geystay Oday da’ ahaa, kaasi oo ka dhacay deegaanka Maaxaay ee Warsheekh, loona dilay aano qabiil.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in dilkaas loo geystay Marxuumka lagu magacaabi jiray Nuur Macoow Sireey oo da’diisu aheyd 92 sanno jir laga raadinayo xumaan iyo in lasoo cusbooneysiiyo dagaal dhexmara dad walaalo ah.

Hadalkaan ayaa waxaa uu Madaxweynaha Hirshabeelle ka sheegay munaasabad soo dhaweyn ah oo shalay loogu sameeyay Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii halkaas uu gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media