Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wado olole Dowlad-Gobaleedyada loogu sameynayo xarumaha sii saadaaliya halisyada Musiiboooyinka.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Kismaayo, isagoo halkaas ka dajiyay agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.
Md Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in agabkan uu muhiim u yahay dowlad-gobaleedyada si hey’adaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh. Wasiirka ayaa sheegay in ayada oo laga jawaabayo baahiyaha hadda taagan ay hadana muhiim tahay in laga fakaro sidii loo xoojin lahaa dhismaha hey’adaha si ay u yaraato saameynta ay musiibooyinka mustaqbalka gaarsiin karaan bulshada
Waxa uu tilmaamay in dadaalkan qeyb ka yahay fulinta siyaasadda qaran ee Maareynta Musiibooyinka oo uu ansaxiyay Baarlabaanka Soomaaliya bishii March ee 2017-ka.
Tallaabadan ayaa sidoo kale waxey qeyb ka tahay fulinta Ballan-howleedka caalamiga ah ee Sandi-framework qodobkiisa “G” oo dhigaya in Dowladaha sameystaan xarumaha ka sii diga musiibooyinka.
Dhinaca kale Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay agabkan ay gaarsiisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa agabkan ugu tala-gashay in la gaarsiiyo dhammaan dowlad-gobaleedyada iyo gobalka Banaadir.