Madaxweyne Putin oo shaaciyay in hub Nukliyeer ah uu ku rakibayo Belarus

Madaxweynaha waddanka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in xeelad dagaal awadeed uu dalkiisa hub nukliyeer ah ugu rakibi doono waddanka Belarus.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in tallaabadaasi aanay ku xadgudbi doonin heshiiskii dhimista hubka nukliyeerka, isagoo isbarbardhig ahaan u soo qaatay sida Mareykanka uu hubkiisa u keeno Yurub, sida lagu shaaciyay warbaahinta qaranka Ruushka.

“Moscow maamulka hubkeeda uma wareejin doonto Minsk, ayuu Putin sii raaciyay.

Mareykanka ayaa sheegay in uusan rumaysnayn in Ruushku uu isu diyaarinayo isticmaalka hubkaasi nukliyeerka kaddib shaacinta rakibitaankiisa.

“Ma hayno sabab aan wax uga badelno istaraatiijiyadda hubkayaga nukliyeerka,” wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sidaasi ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Maamulka ka arrimiya waddanka Belarus ayaa xulafo aad u dhaw la ah maamulka Kremlin-ka ka taliya, waxaana ay taageereen duullaankii Ukraine.

Madaxweyne Putin ayaa taleefishinka qaranka ee Ruushka Sabtidii u sheegay in hogaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko uu muddo dheer soo hadalqaadayay arrinta ah in xeelad dagaal ahaan hubka nukliyeerka loogu rakibo gudaha dalkiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor