Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Q/Midoobay kala hadlay Arrimaha Qaxootiga Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Qaramada Midoobay UNHCR Soomaaliya Magatte Guisse.

Kulanka ayaa looga hadlay arimaha Qaxootiga Soomaaliya ee dibada ku nool sidii looga caawin lahaa in dalkooda kuso laabtaan iyo barakacyaasha jooga dalka gudahiisa sidii deegaan iyo shaqo abuur loogu sameyn lahaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Qaramada Midoobay UNHCR uga mahadceliyay sida ay marka uga shaqeynayaan arimaha Qaxootiga Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor